PUNTLAND BISHAARO RIWAAYADII 4.5 MID KA FIICAN OO LAYIRAAHDO WAA LAYDIN QABSADAY!

0

Waxaan wada ogsoonahay in dalka soomaaliya uu ku jiro maxmiyad dadban.waxaan wada ogsoonahay in dalka soomaaliya reer galbeed ka damacsan yahay arimo dhawr ah oo mudo dheer ay ku taamayeen waxaana kamid ah.

1.shiidaalka cayriin in ay lasoo baxaan oo hore ay u sahan sadeen xiligii ay gumaysan jireen soomaaliya 1960kii kahor.

2.Dhulka soomaaliya waa dhul aad u wayn in ay wax kadagaan,xeebahana ka dhigtaan goobo ganaacsi oo loo soo dalxiis tago taasoo laga helayo lacago aad u farabadan sida isbayn iyo turkigaba dalxiiska xeebaha looga taajiray.

3.Inay yeeshaan dhul ay beertaan maadaama dhulka soomaaliyeed leeyahay dhul ku haboon beerashada oo hadana cidla yahay aan la beeranin,hadii la beertana aan ahayn beero waa wayn oo gaara heer ganaacsi. waxaa larabaa dhul wax laga soosaaro dibadana loo iib geeyo.

4.xarunta uugu wayn ee dayax gacmeedka oo laga dhisayo puntland soomaaliduna aysan badankeedu ogayn,waayo arimaha la xariira satarlaaydka hawada sare yaala ayaa noqonaya barta uugu jaban caalamka oo ku aadan dhulka puntland.hada ma sharaxayo waa arin u baahan faahfaahin iyo fahan siin cilmiyeed intas ayaan uga harayaa hada laakiin maktabada caalamka qaarkood ayaad ka helaysaan arimahaas.

Hadaba arimahan si loo gaaro ayaa keentay in soomaaliya ay burburto oo ka bixi waydo qalalaaso.waxaana meeshana ka marayn in hadaynu soomaali nahay inagu ilaashan waynay dalkeena iyo diinteena iyo dhaqankeena.waxa dalka lagu burburiyay iyo waxa lagu qabsanayo waa dad soomaaliyeed oo hadaysan iyagu la socon shisheeyaha raba dhulkeena aysan cidina waxba inaga qaadeen.markaa marwalba soomaali daba dhilif ah ayaa la adeegsanayaa,oo laynugu qabsanayaa ogaada taas.

Maanta madaxda dalkeena jirtaa waa kuwo aan lahayn wax aragti siyaasadee ah oo iyaga ka imanaysa. waa niman wax talo ah aan kulahayn waxaa dalkooda ka dhacaya,waaniman loo yeeriyo wax walba.waa nimanka hada loo qorsheeyay waxay noqonayaan ka dawlad ahaan 2020 iyo habkay isu dooranayaan.wax qorshe iyo fikir ah malaha iyagu.madaxwayne xasan iyo raysul wasaarihiisu cumar waa niman hoos fadhiya ninkaa ingiriis micheal kuna shaqeeya waxa uu u yeeriyo isaganaa leh go aan kasta.

Dhanka kale wax jira wax yaabo yar yar oo uusan gaalku danba kalahayn,sida reer hebal iyo nin jago laga qaaday iyo lacag la lunsaday musuqmaasuqaa dan kamalaha.sidaa daraadeed madax waynaha intaas ayuu soomaalida ku hayaa oo la hortaagan yahay.wax mustaqbal u ah dalkaan oo uu ogyahay ma jiro iyo meel wax marayaan.waxa uuna ku faraxsan yahay oo ku qanacsan yahay in sidaa adeegenimada hoose ah iyo dulinimadaas uu ku noolaado madaxwayne been been ah iska ahaado lacagtaa xaaranta ahna iska gurto.

Hadaba habkan fadaraalka ah ee hada loo sheegay in ay 4.5 ku soo xushaan bishan sideedaad sanadkan oo ah mid ay dawlada fadaraalka iyo maamulada dawlad goboleed yadu wada aqbaleen oo wada sixiixeen,ayaa shacabka qaarkii sida puntland ay ka shacab ahaan diideen waxaa foosha xun ee ingiriis u keenay soomaali.hadaba si shacabka arintan loo marsiiyo ileen madaxdu waa iskuwada raaceene ayaa Dr gaas waxa uu jilaa ka noqday riwaayad puntland shacabkeeda loo dhigayo oo layiraahdo puntland waa diiday 4.5!!!!!!

Hadaba dr gaas oo qayb buuxda ka ah heshiiskaas,oo garabka ay is haystaan madaxwayne xasan iyo raysalwasaare sharmaarke in sidaa loo sooxulo baarlamaanka dhawaan ayaa shacabkii la dareemay inay wax soo yara fahmayaan oo ay iswaydiiyeen dr gaas goormuu diiday 4.5? dr gaas markii dawladu mogdisho kaga dhawaaqday in go aankaa laysla wada gaaray dr gaas kama hadal mana cadayn hadii lagu been abuuranaayay sababtu waa maxay? hadii madax dii fadaraalku ku been abuuratay beeshii caalamka ee goobta fadhidayna maku been abuuranayaan iyaguna dr gaas? muxuu uuga hadli waayay markii shirkii turkiga raysal wasaare cumar cadeeyay in puntland shirka fadhido kana qay galayso,isla markaana dr gaas uu u cudur daartay kadibna ay ka aqbaleen cudur daarkaas? sharmarke miyaa ku been abuurtay? beesha caalamku intaysan iman puntland maxaa dr gaas uu uga dhigayay wax wayn oo puntland kaligeed uun loo imanayo,iyada oo ay ahayd heshiiskii mogdisho in beesha caalamku tagi doonto dawlad goboleed walba taasoo dhacdayba? markii beesha caalamku timid kadib maxaa iska badalay imaan shahoodii oo ay puntland ku qanacday oo dhacay? ragii puntland ee siyaasiyiinta ahaa sida dr faroole iyo cali xaaji oo aad u diidanaa 4.5 oo idaacadaha ka dagaalamaayay markii si gaara loola shiray way aamuseen oo arintii kabaxeen maxaa aamusiiyay? faroole iyo cali xaaji ma cidbaa jirta hada aan ogayn inay aduun dhaaf sadeen puntland? waxaan oo dhan ayaa shacabkii u cadaaday oo leh hal jawaab uun jawaabtaas oo ah puntland heshiiska 4.5 sibuuxday uugu jirtaa ugana mid tahay waa arin iska cad.

Waxaa imanaysa yaa hadaba la khiyaamayaa,oo madaxda puntland sida dr gaas iyo siyaasiyiintii hore sida faroole iyo cali xaaji oo lagu daray raysul wasaare cumar ay khiyaamayaan oo beenta iyo jahawareerinta lagu ridayaa? waxaa muuqata in nimankan iyo beeshoodu iibiyeen puntland kana iibiyeen dawlada fadaraalka ah iyo danaystayaasha shisheeye.waxayna waligoodba madaxnimada puntland jifadu u xiratay oo dadkii kale ee xaqa ku lahaa puntland ay uuga dhaariyeen oo u xaqireen inay iyagu cidwalba kula gorgortamaan puntland.waana talo xumo iyo siyaasada oo ay si xun u fahmeen tanoo aan arko inay jidxun qaadeen. beelaha kale ee puntland ayaa shacabkooda iyo siyaasiyiin toodii la khaa imayaa riwaayadana loo dhigayaa.dhanka kale iyagu waa is ogyihiin ka beel ahaan waxa socda oo dhan.

Hadaba riwaayadaa dr gaas jilaaga kayahay,waa la fahmay oo lagu daalay,markaa nimanka ku shaqeeye dr gaas ayaa u soo dhiibay mid cusub oo layiraahdo shacabkii reer puntland hadaa tihiin waaba laydin qabsaday!! idinkuna waxaad ku mashquusheen 4.5! oo yaa naqabsaday? waxaa idin qabsaday shabaab iyo xagjirka dadka gumaada.hadaydaan dagaalamina waa idiin dhamaatay puntland wixii dhiig lahoow kaca.waa riywaayad cusub oo hada lasoo bandhigay.wasiirka abniga puntland cabdi xirsi cali qarjab oo kamid ah kuwa dhigya riwaayada ayaa yiri waxaa nagu soo duulay rag laga soo diray mogdisho oo dawlada fadaralku soo dirtay.waxaa markiiba beeniyay jilaaga dr gaas oo yiri dawladu iyadaaba la dagaalamaysa nimankaas,hadafkaayaguna waa isku mid inaan isku si ula diriraa markaa kama danbayso dawladu? wasiirkiisa iyo isagan dr gaas ah idaacadaha iyo tv yada caalamkaa laga daawanayaa qaabkay wax u jilayaan.

Riwaayadan cusub ee ah puntland waa la qabsaday,jilideeda ayaa ka xumaatay nimankan. waxay sheegaysaa in garacad ay soo galeen laba doonyood oo kuwa waa wayn ah oo waday rag gaaraya 1000 nin,wajiyadooda lama arkayo hadna waxay ku sheegeen in cadaan ku jiro!! dhanka kale waxay sheegeen waxa soo galay garacad laba laash oo yaryar oo waday 18 nin oo kaliya waxayna wada ahaayeen soomaali!! waxay sheegtay riwaayadu in aysan nimanku wadan wax tikniko ah oo gaadiid iyo qoryo waa wayn ah, hadana waxa laga qaxay garacad iyo jiriiban iyo dhulka baadiyaha oo dhan. waxaa laga qaxay eyl,xataa dadbaa garoowe kasii qaxay!! umad nabad u dagan ayaa been looga qixiyay guryahoodii. wax jiraa majiro haba yaraatee waa been iyo u jeedo siyaasadeed.waxaa mustaqbalka la rabaa in amisom lakeeno puntland,waxaa lagu cunayaa lacago malaayiin ah riwaayadaan,waxaa lagu gaarayaa doorashada bishan sideedaad ee soo socota in lagu gaaro.waxaana heshiis ku ah dr gaas,xasan sheikh iyo cumar sharmarke iyo hogaamiyahooda micheal. majirto haba yaraatee wax dagaal ah iyo wax shabaab ah oo soogalay puntland.

Siyaasadaa waxay tahay dad lacag lasiiyay ayaa dr gaas la jilaya oo lawada riwaayada halka shacabka qaarna yaaban yahay,makraa shacabka puntland ayaa la dhex galay oo lakala jabiyay isku mowqifna maha.waxayna gabi ahaanba iloobeen inay ka fakaraan mustaqbalka dalkooda soomaaliya iyo kan dagaankooda puntland oo waxa lagaar siiyay halkii la rabay.dr gaas ninkaa ingiriis iyo xasan iyo cumar way haystaan oo isku hubaan laakiin shacabkaa la rabaa in la qabto waana la qabtay,horaan u sheegay puntland oo looga adkaaday siyaasadii.hada dad baa aamin san puntland shabaab ayaa soo galay iyo dagaal baa socda iyo godbaa lagalay iyo waa cayrsanaynaa bal beenta intaa gaartay day!! waxaase fool xuma ah in ay balaayo saad sadaan aan haysan oo aan jirin haba yaraatee. mana jirto wax shabaab ah oo soo galay garacad iyo puntland waa dabin siyaaso oo ku wajahan shacabka puntland. waa nasiib daro umad dhan oo wax fakarayaba aan lahayn ee hunguri iyo shilin uun dhaaf sanaya dalkooda,diintooda,sharafkooda iyo karaamadooda.run ahaan waa taariikh xumo iyo halaagsan.

Dr gaas waa ninka cod sanaya ee hamuunta u qaba in adoon lookeeno shacabka puntland oo la bahdilo,wixii doonana lagu sameeyo adoon taas oo reer yurub biilaan si soomaali loo duleeyo oo kaliya.shacabka puntland maxaa ka qaaday dhiiga damiirkii away? horaan idiinku sheegay in dr gaas uu san kor u fiirin karin sharmaarke oo uu xirayo saarayana maxkamad caalamiya.dr gaas isma dhaqaajinkaro,lacagna waa qaatay waana cabsanayaa.maxaa hadaba dan u ah puntland? horaan xalka idiinku sheegay ee waad imaqli waydeen,hadana waxaan ku soocelinayaa xalkii ee isdaba qabta shacaboow.

XALKA HADA EE PUNTLAND
Waxaan idin leeyahay 1. uugu horayn,nin guul daraystay waa la arki jiray waligeedba,khaa inul wadan waa la arki jiray waligeedba,cadaaladaa qabta,caqligaa ogol ee dr gaas xilka halaga xayuubiyo. hana laga masaafuriyo punltland laakiin yaan la dilin,yaana la xirin hayna dhaafo uun.madaxwaynaheena dr gaas waa ninka ina burburiyay ee laynoo adeegsanayo waana daciif daba dhilif ah go aan aan lahayn iyo raganimo haduu nin duli ah jiro koonkan waa kan u dulisan hala tuuro.

2.Doorta nin go aan leh geesi ah hogaamiye ah codkar ah.diida heshiis kasta oo dabadhilif dr gaas sixiixay ninkii raba puntland hasoo socdo!!
3.Sidaan hore idiinkula taliyay markay beesha caalamku idinku soo foolahayd garoowe yeela oo ah raaca waxa socda shuruud la aan,sacabiya ileen waxba iskama celinkaraysaane,lagaa adkaaye iska samir oo waxaad ku qasbantahay oo aad raacsantahay haka gabi dhaclayn oo shacabka argagaxa ka daa iyo ihaanada dulinimada ah ee taariikhda galaysa.ogoow shacabka puntland unbaad khiyaanaysaan,isku diraysaan,niyad jabinaysaan hankooda iyo qabkooda.qabiilooyinka iyo jifooyinka kalaba haday u tagayaan xasan sheikh sidaad idinkuba u iibinaysaan puntland ayaa loowada xaraashi waana dhagar aad bilawdeen.sidani wax wanaagsan maha.

4.Adeer hala raaco raysalwasaare sharmaarke waxa uu ku taliyo,naraacsha sharmaarke waxaan idiin ogahay in aydaan khasaarayn,waxaase aan sina loo aqbali karin wax aan isku kalsoonayn oo kolba dhan u ordaya,oo beenaale ah oo go aan aan lahayn oo kharibay puntland waxaan rabnaa go aan. sharmaarke waa nin leh go aan waana taageersanahay anigu sababtoo ah waa go aanka cad ee uu lee yahay. adeer ogoow hadeerba sharmaarke ayay puntland hoos fadhidaa,laakiin siday u dhaqmayso sharmaakana sharaf uma aha puntland ahaana waaba u baaba,waxaa ka fiican si xalaal ah oo sharafleh oo cad aan u raacno xukuumadaa soomaaliyeed ee mogdisho fadhida ee xasan sheikh iyo sharmarke horboodayaan.

Gunaanadkii
Markaa daraaseeyay xaalada siyaasadeed ee puntland waxaan fahmay wax badan,xalka maanta inoo yaalaa maha in kolba riwaayad laynoo dhigo tanoo dhaawac ku noqonaysa aayaha puntland.arintani waxay burburinaysaa xataa dhaqankeenii haybadii iyo sharafkii puntland.waxay kala dilaysaa beelaha dhexdooda iyo shaqsiyaadka dhexdiisa adaa iyeelay iyo jifo heblaayaa noolahayd dhibkaan!! waa arin foolxun.si loo daawoobo xalku waa raaca sharmaarke si sharafleh haloo yeero garoow isla markaana idinkoo gacmaha is haysta halaga wada shaqeeyo aayaha iyo nabad ku soo dabaalka soomaaliyeed.waxa la doonayaa oo nin walba deeqda soomaaliya oo hesha halmadaxwayne oo kataliya dalka gees ka gees iyo amaan iyo kala danbayn,in aynu soo ceshano dawladnimadeenii hadaynu nahay soomaali.waxba tarimayso niman baa god galay iyo bilanay hilib ila soo gaar iyo sabaayad!! war ileen dadka qaarkii ceeb uma dhintaan! waxa puntland ginimadan dhaxal siiyay waa uun laba arimood oo kala ah sidan

1. kursigii umada u dhexeeyay oo jifo ku habsatay mudo 18 sanadood ah,dadkii hogaanka iyo kartida lahaana laga dhaariyay oo ay banaanka ka joogaan.tanoo keentay in puntland ay noqotay fadhiidkaas halkii uun fadhiya,ee aan samayn wax hormar ah halka jubaland oo hada curatay ay durba inbadan ka horayso puntland,sababtuna waa dhigteeytar hal maskax ah puntland halka jubalanad ay tahay dimuqraadi iyo maskaxo kala duwan oo wada shaqaynaya.

2. madaxwayne dr gaas oo ah nin isagu u baahan xanaano iyo daryeel mana aha nin go aan leh waxna hogaaminkara.maha madaxwayne iyo wax u dhawtoona,waa nin aragti aan lahayn kamaran siyaaso ahna maangaab fulay ah oo lagu shaqaysto.waa nin ku qanca lacagaha uu farqaha ka buuxsaday ee xaaranta ah waa nin iibsanaya wax walba oo isku darsaday iimaan la aan iyo been iyo kalsooni xumo.waa ninka baabiyay puntland. waxaase nasiib daro ah in tolkay garan waayay in uu sidaa yahay oo macnuhu yahay way garanayaane qabyaaladaa ka xoog badisay nasiib daro.

Yuusuf Cumar
Mashruuc5@hotmail.com