DHAGEYSO:- In ka badan 20-Ruux oo ku geeriyootay Gobbolka Jubbada Hoose iyo Maamulka Isbitaalka Kismaayo oo xaqiijiyay in dad gaaraya kun qof la keenay Isbitaalka

0

In ka badan 20 ruux ayaa u geeriyootay cudurka shuban biyood oo ka dillaacay deegaanada Gosha ee Gobbolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale, in ka badan kun ruux oo uu cudurkaasi soo ritay, ayaa waxaa la gaarsiiyey isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, tan iyo markii uu cudurka dillaacay.

Dadkaan ayaa ku kala geeriyooday deegaanada Migwa, Moofi iyo Kobban oo ku yaalla Jiinka wabiga Jubba, gaar ahaana inta u dhaxeysa magaalada Kismaayo iyo degmada Jamaame.

Dadka u dhintay cudurkaan oo isugu jira haween, caruur iyo dad da’ ah ayaa lagu soo warramayaa inay u dhimanayaan daryeel caafimaad la’aan.

Maamulka Isbitaalka Kismaayo ayaa VOA u xaqiijiyay in dad gaaraya kun qof oo laga kala keenay xaafadaha magaalada Kismaayo iyo deegaanada banaanka ka ah magaalada ay haatan ku dabiibayaan Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, kuwaasoo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka.

HALKAAN KA DHAGEYSO