DHAGEYSO:- Go’aano laga soo saaray Askarta dhigta Isbaarada ee deegaanada maamulka Koofur galbeed

0

Taliyaha Ciidamada daraawiishta ee Maamulka Koofur galbeed Ibraahim Macalin Kutub oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay go’aano ka soo saareyn Askarigii lagu qabtaa isagoo isbaaro u taalla deegaanada maamulka Koofur galbeed ay ka qaadayaan talaabo sharci ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay in aysan u dulqaadan doonin in la sii dhibaateeyo oo isbaaro loo dhigto shacabka maamulka Koofur galbeed.

Waxa uu xusay in ay ku dadaalayaan in ay ka hortagaan oo ay burburiyaan isbaarooyinka yaalla qeybo ka mid ah deegaanada maamulka Koofur galbeed.

Dhawaan ayay ahayd markii kulan ay wada qaateen Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed Soomaaliyeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Saraakiisha maamulkaasi isla markaana ay ka wada hadleen sidii loo baabi’in lahaa isbaarooyinka yaalla deegaanada maamulka Koofur galbeed.

Waxaana kulankaasi laga soo saaray go’aano la xiriira isbaarooyinka iyo amniga guud ee deegaanada maamulka Koofur galbeed.

Hoos ka Dhageyso Codka:-