DAAWO WAREYSIYO LALA YEESHAY AL-SHABAABKII LA QABTAY:- Halkee la geeyay Dagaalyahanadii Al-Shabaab ay Puntland sheegatay inay soo qabatay iyo Tirada la dilay oo Puntland sheegtay inay kordheen

0

Puntland ayaa sheegtay inay dileen 167 ka mid ah maleeshiyadii ka soo degtay xeebaha ee ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, kuwaas oo la dagaalamay ciidamada Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde, oo warkan sheegay, ayaa sidoo kale sheegtay inay Al-Shabaab ka qabteen maxaabiis kor u dhaafaysa illaa 100.

Wasiirka waxa uu sheegay in deegaanka Garacad ay ku dileen 112 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab, halka 55 ay ku dileen deegaanka Suuj.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde ayaa sheegay in dhinacooda ay ka dhinteen illaa toddoba askari, dhowr iyo tobanna ay ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale Maamulka Puntland ayaa xabsiyo gaar ah dhigay dagaalyahanadii Al-Shabaab ee ay sheegteen inay ku qabteen dagaaladii ka dhacay deegaanada Xeebaha dhaca waxa ayna sugayaan xukunkooda oo ay Maxkamaduhu dhawan u fariisan doonaan marka lasoo dhameeyo howlgalkan sida Madaxda maamulka sheegeen

HALKAAN KA DAAWO WAREYSIYO LALA YEESHAY AL-SHABAABKII AY PUNTLAND SHEEGTAY INAY SOO QAB QABTEEN