Booliiska Dalka Australia oo dad badan xer xeray, kuna eedeeyay hal arrin

0

Booliska dalka Australia ayaa waxa ay sheegayaan in ay qabteen labo qof oo lagu tuhunsan yahay in ay maalgeliyaan kooxda islaamiga ah ee khilaafada Islaamka.

Saraakiisha booliska dalkaasi ayaa sheegaya in labadaasi qof ay kala yihiin nin 20 jir ah iyo gabar 16 jir ah oo ciyaala iskuul ah, waxaana lagu soo qabtay hawlgal ka dhacay galbeedka Sydney.

Booliska waxa ay intaasi ku darayaan in ninka ay haatan qabteen ay in muddo ahba daba socdeen. Labadani qof ayaa looga shakisan yahay in ay lacago dibadda u direen si ay ugu maalgeliyaan kooxdani khilaafada Islaamka.

Saraakiishu ma aysan sheegin inta ay la egtahay lacagtaasi basle waxa ay sheegayaan in haddii labadani qof lagu helo dambiga lagu soo eedeeyay ay muteysan karaan xarig gaaraya ugu badnaan 25 sano.

Dowladda Australia ayaa waxa ay qiyaaseysaa in ku dhawaad 100 qof oo ka tirsan muwaadiniinteeda ay ka barbar dagaalamayaan kooxaha xagjirka ah eek a hawlgala waddamada Suuriya iyo Ciraaq.

Waxa ay sidoo kale ka walaacsan tahay shakhsiyaadka taageerada dhaqaale siiya kooxdaasi ee ku sugan gudaha dalkaasi Australia.