DHAGEYSO:- Waalidiin caruurtooda burcad badeeda hayaan oo taageero dalbaday

0

Nguyen Thi Thuy oo ah hooyada mid kamid ah rag gacanta ugu jiro kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa sheegtay in wiilkeeda ay weysan tahay inka badan 4 sano iyo bar, kadib markii kooxaha burcad badeeda ay afduubteen.

Wiilka ayaa marka hore u shaqo bilaabay markab kaluumeysi oo ay laheyd shirkada Vinamortor ee dalka Vietnam, waxaana sida hishiiska uu ahaa uu mushaar ahaan u helayay 300 oo doolar bishii.

Sanad kadib markii uu kasoo tagay dalka Vietnam wuxuu fariin u diray hooyadii isaga oo u sheegaya iney gacanta ku dhigeen kooxaha burcad badeeda Soomaalida isaga iyo 26 ruux oo la saarnaa markabka.

Kooxaha burcad badeeda ayaa xiligaasi ka dalbatay milkiilaha markabka inuu bixiyo lacag gaareyso 60,000 oo doolar si loosoo daayo shaqaalaha markabka la socday.

Markaasi kadib hooyada dhashay wiilka gacanta ugu jiro kooxaha burcad badeeda ayaa la xiriirtay shirkada markabka laheyd oo ku taala dalka Vietnam, waxayna ka dalbatay in laga caawiyo sii deynta wiilkeeda iyo dad kale oo la xiran.

“Labo sano wiilkeyga kama aanan maqal wax war ah, waxaana xaalada wiilkeyga weydiinayaa mar walbaa shirkada, waxay kaliya ii sheegaan in wiilkeyga wali nool yahay ayna raadinayaan sidii ay ku heli lahaayeen”

“Waxaan weydiistay iney ila kulansiiyaan agaasimaha markabka, laakiin mar walbaa wey iga diidayeen”.ayay tiri hooyada wiilka dhashay.

Ugu dambeyntii hooyada dhashay wiilka kooxaha burcad badeeda gacanta ugu jiro ayaa dalbaday in laga taageero sidii xuriyadooda ay ku heli lahaayeen shaqaalaha markabka oo burcad badeeda gacanta ugu jiro ku dhawaad 5 sano.

Hoos ka Dhageyso Codka:-