Maamulka Degmada Kuntuwaareey Oo Baaraya Dableey Rasaas Huwiyay Gaari Rakaab ah

0

Guddoomiyaha deegaanka Kuuntuwaareey ee Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdiraxmaan Sabdow Daahir oo la hadlay Radio Shabelle ayaa sheegay in ay baarayaan dableey hubeysan oo shalay rasaas ooda kaga qaaday gaari dad shacab ah ay saarnaayeen oo marayay duleedka deegaanka Buulomareer ee Gobolkaasi.

Mr Cabdiraxmaan Sabdow Guddoomiyaha Kuntuwaareey ayaa xusay in baaritaanadaasi ay la kaashanayaan saraakiisha Ciidanka dowladda ee ku sugan Gobolka Shabeelaha Hoose iyo kuwa AMISOM.

Sida Guddoomiyuhu xaqiijiyay dableyda ayaa khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac u geystay Rakaabkii la socday gaariga la rasaaseeyay kaas oo marayay duleedka deegaanka Buulomareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Shalay ayey ahayd Markii Ciidan ku labisan dareeska Ciidamada dowladda Soomaaliya rasaas geysatay khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ay ku fureen gaari dad shacab ah ay saarnaayeen oo marayay duleedka deegaanka Buulomareer ee Gobolka Shabeelaha  Hoose.