DHAGEYSO:- Ra’isal Wasaaraha oo sheegay in aan Ciidamo AMISOM ah loo direyn Puntland

0

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in deegaanada Puntland aan la geyn doonin ciidamo ka socdo AMISOM, kadib markii maalmahaan wararkaasi ay soo baxeen.

Ra’iisul wasaaraha wuxuu sheegay in ciidamada Puntland oo garab ka helaya ciidamada dowlada Soomaaliya ay ku filan yihiin iney la dagaalamaan ciidamada Al-shabaab ka tirsan ee kusugan Nugaal, Mudug iyo Bari.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dowlada Soomaaliya ay taageero la garab taagan tahay ciidamada maamulka Puntland, haddii ay u baahdaan gurmad kastaa.

Al-shabaab ayaa Isniintii lasoo dhaafay doomo ku tagay deegaanka Garacad ee gobolka Mudug, waxaana dagaal uu dhexmaray ciidamada Puntland maalintii Tallaadada ee todobaadkii lasoo dhaafay.

AMISOM ayaa kusugan deegaanada Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo gobolka Banaadir.

Hoos ka Dhageyso Codka:-