DHAGEYSO:- Maamulka G/Banaadir oo soo bandhigay Rag ka shaqeysanaayay sameynta Document-yo been abuur ah

0

Ciidamada amaanka Gobolka Banaadir ayaa Maanta gacanta ku soo dhigay 3 Nin oo ka shaqeyneysay sameynta Document-yo been abuuro ah, waxaana dadkaasi laga soo qabtay Suuqa bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Xarunta dambe barista CID oo si wadajir ah Warbaahinta ugu soo bandhigay ragaan ayaa sheegay in baaritaano dheer ka dib lagu guuleystay in ragan gacanta lagu soo dhigo.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in aysan u dulqaadan doonin in ay Muqdisho sii joogaan rag ka shaqeysta sameynta Document-yo been ah abuur ah.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in Muqdisho ay ka nadifinayaan cid walbo oo dhib ka wada Caasimada Muqdisho, isla markaana caqabad ku ah Dowladnimada.

Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Gudoomiyaha Gobolka:-