Daawo Sawirada Madaxweynaha Dalka Mareykanka oo booqasho taariikhi ah ku tagay Dalka Cuba

0

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama, ayaa Axadii booqasho taariikhi ah ku tagey Magaalada Havana Ee Xarunta Cuba, waana booqashadiisii ugu horeysay oo nooceeda ah ee uu dalkaasi ku taggo.

Madaxweynaha Mareykanka, ayaa waxaa booqashadiisan ku wehlinaayay qoyskiisa, wuxuuna noqonayaa Madaxweynihii ugu horeeyay oo Mareykan ah oo 88 sano ka dib booqasho ku tagga Cuba.

Masuuliyiin uu horkacaayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Cuba, Bruno Rodriguez, ayaa Garoonka Caalamiga Havana ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Mareykanka iyo afadiisa, Michelle Obama.

Booqashada Madaxweynaha oo qaadan doonto saddex cisho, ayaa inta uu dalkaasi ku sugan yahay waxaa lagu wadaa inuu kulamo kala duwan kula qaato Madaxda Xukuumadda, mucaaradka iyo qaybaha bulshada.

Madaxweynaha Mareykanka, ayaa bogga uu ku leeyahay Shabakadda Bulshada Xiriirisa Twitter ku soo qoray in Cuba uu u yimid, sidii uu ugula kulmi lahaa dadka reer Cuba.

Shacabka reer Cuba, ayaa aad u hadalhaaya booqashada taariikhiga ah ee dalkooda uu ku yimid Madaxweyne Barack Obama, inkastoo ay jiraan dad saluugsan imaanshihiisa.

Booqashada Madaxweyne Obama ee Caasimadda Cuba, ayaa wax wayn ka bedeli karta xiriirka labada dal, waxaana la leeyahay waxay horseedi doontaa in uu hagaago xiriirka Cuba iyo Mareykanka.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Obama- Obama-1 Obama1-1 Obama2 Obama3-1 Obama4 Obama5 Obama6 Obama7 Obama8 Obama9 Obama91 Obama93