Al-Shabaab oo Xalay Weerar Culus ku qaaday Saldhig ku yaalla Laanta Buur iyo Gaadiid Ciidan oo ay gacanta ku dhigeen

0

Wararka ka imanaya Gobiolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabab ay weerar culus xalay ku qaadeen saldhigga milatari ee ciidamada dawladda ay ku lahaayeen Laanta Buur.

Al-Shabab maleeshiyadooda ayaa wararku sheegayaan inay laba dhinac kasoo weerareen, khasaare culusna uu halkaas ka dhacay.

Ciidanka saldhigga joogay ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin Guutada Shanaad.

Wararka ay sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Sidoo kale waxa wararku sheegayaan in baabuur tikniko ah ay u gacan galeen Al-Shabab.

Al-Shabab ayaa la sheegay inay baabuurtaas la aadeen dhinaca magaalada Awdheegle.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegay inay hub iyo saanad kale ku qabsadeen weerarka; weli ma jirto cid dawladda ka tirsan oo ka hadashay dagaalka. Al-Shabab waxay kaloo sheegatay inay dishay toban askari laakiin si madaxbannaan looma xaqiijin sheegashadaas.