UPDATE:- SAFAARADA Soomaaliya ee dalka Mareynkanka oo laga cabanayo

0

20 Qof oo Soomaali ah kuwaasi oo jira Xabsi ku yaalla Gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa waxa ay ka cabanayaan Safaaradda Somalia ee dalkaasi, oo ay ku eedeeyeen in ay ka shaqeynayso in dib loogu soo celiyo Soomaaliya.

Qaar kamid ah Maxaabiistaasi 20-ka ah, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xabsi ku yaalla Gobolka Florida ay ku jiraan mudo Labo Sano ah, iyadoo aysan jirin denbiyo cad oo haysto, waxaana Xarigooda ay ku tilmaameen mid aan sharci ahayn.

Maxaabiista qaar ayaa ku galay dalka Mareykanka qaab Tahriib ah sanadkii 2007, waxaana ay xuseen in markii ay filayeen in ay dib u helaan Xuriyadooda, lagu wargeliyay in Safaarada Somalia ay ku leedahay dalkaasi ay ka codsatay Dowladda Mareykanka in Maxaabiistani Soomaalida ah dib loogu celiyo dalkooda Hooyo.

Dhanka kale, Muwaadiniintan Soomaaliyeed ee ku xiran Mareykanka ayaa ka codsaday Madaxda sare ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya in ay wax ka qabtaan Cabashadooda, islamarkaana aan dib loogu soo celin dalka Somalia, maadaama sida ay tilmaameen aysan gelin denbi lagu soo celin karo.

Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa ayaa waxay ku xiran yihiin xilligan Xabsiyada dalal badan oo ku yaalla Caalamka, kuwaasi oo sheega in Dowladda Soomaaliya aysan waxba u qaban.