TOOS U DHAGEYSO:- Tuulooyin hoosyimaada degaanka Garacad oo Hada uu Dagaal ka soconayo iyo RASAAS Xoog leh oo hada la maqlayo

0

Wararka naga soo gaaraya Tuulooyin hoosyimaada degaanka Garacad ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Goor dhaw uu Dagaal u dhexeeya Ciidamada Maamulka Puntland iyo Al-shabaab ka Biloowday.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid ka dib markii Al-shabaab ay Weerar ku soo qaadeen Fariisimo Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin Tuulo la yiraado Kuul oo u dhaw Degaanka Garacad ee Gobolka Mudug.

Goobjoogeyaal ayaa laga soo xigtay in Dagaalka labada Dhinac u dhexeeya la isku adeegsanayo  Hubka Nuucyadiisa kala duwan.

Degaanada uu Dagaalka ka dhacay Saaka ayaa la sheegay in ay yihiin Goobihii Ciidamada Puntland ay ku hor fadhiyeen Shabaabkii dhawaan qabsaday Degaanka Garacad.

Sidoo kale ma jirto Cid sheegi karta Khasaaraha Dhimasho iyo midka dhaawac ee Dagaalkaasi ka dhashay.

HALKAAN KA DHAGEYSO