Qaxooti weli doomo ku tagaya Gariiga iyo xaalada oo sii xumaaneyso

0

Doomaha soo galootiga wada ayaa wali dad gaynaya dalka Giriiga iyadoo uu dhaqangalayo heshiis dib loogu celinayo dalka Turkiga.

Labo gabdhood oo hal iyo labo sano jir ah ayaa geeriyooday kaddib markii ay ka dhaceen doon maraysay jasiiradda waday dad afartan ruux ku dhaw.

Wariyaha BBC-da uga soo waramaya jasiiradda Lesbos ayaa sheegay in jahwareer uu ka dhex jiro dadka muhaajiriinta ah, qaar badan oo ka mid ahna warba kama hayaan sharcigaas cusub.

Sharcigan cusub wuxuu dhigayaa in dadka qaxootiga ah la geeyo xarumo lagu baaro si durba loo dhagaysto.

Haddii ay dalban waayaan magangalyo amaba codsigooda la diido waxaa loo celin doonaa Turkiga.

Qaxootiga kaste oo Suuriyaan ah oo dib loo celiyo midawga Yurub ayaa dib u dajin uga samayn doona xeryaha qaxootiga ee Turkiga ku yaala