DEG DEG:- Xukuumada Soomaaliya oo Imaamyada Masaajida ugu baaqday inay oogaan Maalinta Jimcaha Salaad Roob doon ah

0

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiaadir Sheekh Cali Ibraahim Baqdaaddi oo Maanta Shir Saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay abaaro Ba’an oo ku dhuftay Waqooyiga iyo Koofurta Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ku baaqay in maalinta Jimcaha ee nasoo aaddan dhammaan Masaajidda dalka laga oogo salaad roob doon ah, culimaduna ay shanta salaadood oogaan qunuud Alle lagu weydiisanayo in abaarta uu shababka Soomaaliyeed ka dulqaado.

“Meelo badan oo dalka waa ay saameysay aaartay, tan xigta dhammaan Culimada Masaajidda waxaaan ugu baaqayaa inay shanta salaadoodba ay ka Qunuudaan si Ilaahay Subxaana Wataacaalaa dhibaatadaan uga dulqaado masaakiinta dhibaateysan. maalinta Jimcahana tukadaan salaad roob doon ah”ayuu yir mudane Baqdaaddi.

Wasiirka ayaa sheegay in labada bil ee nasoo aaddan aan roob la filaneynin, isagoo ku boorriyay shababka Soomaaliyeed ee dhaqaalaha heysta iyo hayadaha samafalka in sid deg deg ah u soo caawiyaan dadka dhibaateysan ee abaartu xoolahoodii leysay.

“Qofkasta oo Soomaali ah oo heysta waxa uu quudanayo wax ka badan inay la gaaraan walaalkooda dhibaateysan ee ay abaaruhu saameeyeen, ee u istaagno sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaaruhu saameysay”ayuu yiri Wasiirka Awqaafta iyo Diinta.