DAAWO:- Baarlamaanka Maamulka Jubbaland oo meel mariyay qodobo ka mid ah dastuurka Maamulkaasi

0

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa maanta meel mariyay labo qoddob oo ku jiray dastuurka kumeel gaarka ee maamulka Jubbaland kuwaas oo dhawaan uu madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu codsaday in la laalo oo meesha laga saaro.

Fadhiggii maanta waxaa soo xaadiray 66 mudane, waxaana markii cod loo qaaday taageeray in labadaas qoddob laga saaro dastuurka kumeel gaarka ee dowladda Jubbaland 58 xildhibaan, toddobo waa ay diiday hal xildhibaanna waa uu ka aamusay.

Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo ah guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland ayaa waxa uu sheegay in ay qaateen codsiga uga yimid madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Ugu dambeyntiina Labada qodob ee uu madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu codsaday in meesha laga saaro ayaana hirgashay kuwaas oo kala ahaa qodobada 44-aad iyo 45-aad.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-