XOG:- Aragagixisada Al Shabaab Oo Hubkey Ka Furteen Ciidamada AMISOM Kula Dagaalamaya Ciidamada Puntland?

0

Wararka ka imaanaya dadka ku nool deegaanka uu ka socdo dagaalka u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo Maleeshiyaadka xagjirka ah, ayaa sheegaya in maleeshiyaadkaasi ay ku dagaalamayaan Hubka culus.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Hubka ay Kooxdaasi wataan Shan meelood Seddex iyo bar ay yihiin qoryaha loo yaqaan PKM iyo Baasukayaal, waxayna qaarkood sitaan gantaalada Garabka laga tuuro oo la filayo inay yihiin kuwii ay Al Shabaab ka furteen ciidamada AMISOM.

Maleeshiyada ayaa saacadihii ugu danbeeyay isku dayaayay in gaadiidka Dagaalka ay wataan Ciidamada Puntland ay u adeegsadaan Hubkaasi laga soo furtay AMISOM ee ah gantaalada Garabka laga tuuro, balse ay haleeli waayen inay u adeegsadaan.

Dadka deegaanka waxa ay sidoo kale sheegayaan in saacadihii ugu danbeeyay ay maleeshiyadu adeegsaneysay Hubkaasi culus, balse waxaa la rumeysan yahay in waxyeelo aysan kasoo gaarin Ciidamada Maamulka.

Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa xaqiijiyay in dhammaan Hubka ay maleeshiyada wataan ay yihiin kuwa AMISOM ay lasoo gashay gudaha Somalia, haba ugu badnaaden kuwa looga furtay Dagaaladii ugu danbeeyay ee maleeshiyadu ay ku qaaday Xarumahooda.

Saraakiisha Puntland ayaase xaqiijiyey illaa iyo hada inta dagaalka ku dhimatay ay yihiin kooxihii dagaalamayey oo aysan jirin weli wax khasaaro soo gaaray dadka la rumeysan yahay inay heystaan kooxdaasi oo aan tiradooda iyo da’adooda aan weli lahayn.

Dhanka kale, Wasiiro, Taliyayaal Ciidan iyo Saraakiil farabadan ayaa iminka ku sugan goobaha uu dagaalka ka socdo, waxaana mas’uuliyiintaasi kamid ah Wasiirka Ammaanka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab iyo Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland Generaal Siciid dheere.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media