TOP NEWS:- Al-Shabaab oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wada Gobolada Mudug iyo Galgaduud

0

Wararka laga helayo Qeybo ka mid ah Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa sheegaya in Al-shabaab ay ka wadaan halkaasi dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo ay wadaan Qorsheyaal Cusub.

Degaano ka mid ah Bariga Gobolka Galgaduud iyo Koofurta Gobolka Mudug ayaa la sheegay in ay Al-shabaab dhaqdhaqaaqyo ka wadaan,kuwaas oo loo maleenayo in ay ku biiri doonaan Shabaabka ku duulay Xeebaha Koofureed Ee Puntland.

Al-shabaabkii ka dagay Degaanka Garacad iyo sidii kale kuwa Gaaray Garmaal ayaa la sheegay in ay Doomo uga tageen Xeebaha Gobolka Mudug,iyadoo kuwaan dhaqdhaqaaqa wadana loo Micneeyay in ay ku biiri rabaan kuwii gaaray Puntland.

Puntland ayaa Al-shabaabka gaaray Garmaal iyo Meel u dhaw Degaanka Godob-jiiraan intaba kula dagaalamay,iyadoo ilaa hadda Ciidamada Puntland ay wadaan Howlgallo Al-shabaab lagula Dagaalamayo.