QM oo mar kaleWarbixin ka soo saartay Xaalada Dalka Burundi

0

Qaramada midoobeey waxa ay sheegeysaa in dad badan ay cabsi ugu nool yihiin dalka Burundi.

Arrintaas ayaa lagu sababeynaayaa dhibaato dhanka xuquuqda aadanaha ee ka taagan dalkaasi oo sii xumaaneysa.

Madaxa arrimaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobeey, Zeyid Racad al-xuseyni, ayaa golaha amniga u sheegay in lagu soo warramayo in tirada jirdilka ay sare u kacday sanadkan.

Inkabadan 400 oo qof ayaa ku dhimatay qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaasi ka socda ku dhowaad sanad.

Rabshadaha waxa ay bilowdeen markii madaxweynaha dalkaasi Pierre Nkurunziza uu ku dhawaaqay inuu u tartamayo mar sedaxaad xilka madaxweynaha.

Waxaa dib loo doortay bishii July oo la qabtay doorasho muran badan uu ka dhashay oo mucaaradka ay qaadeceen.

Mr al-xuseyni waxa uu ka digay in Burundi ay qarka u saarantahay inay sii huraan rabshadaha oo ay sababaan dilka dad aad u badan.