DHAGEYSO:- Madaxweynaha Soomaaliya oo si kulul ugu hadlay dagaalada ka socda Puntland

0

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud ayaa ka hadlay dagaalada ka dhacay deegaano ka tirsan maamulka Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalada Al-Shabaab ay ka wadaan deegaanada Punland uusan ka duwaneyn dagaaladii ay horay Dowlada kula gashay gobolada kale ee Dalka.

Waxa uu sidoo kale sheegay Madaxweynaha in AL-Shabaab aysan lahayn Saaxiib jogto isla markaana ay dagaalo hor leh ay ka bilaabeen deeganada Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheekh maxamuud ayaa sheegay in Madaxda Dowlada Federaalka, kuwa Maamul goboleedyada iyo shacabka soomaaliyeed loogu baahan yahay in Al-Shabaab ay meel ugu soo wada jeestaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-