AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalada ka socda Puntland

0

Wararka naga soo gaaraya deegaan ku yaala inta u dhaxeyso Kulub iyo Garacad ayaa sheegaya in dagaal uu ka bilowday saacado ka hor kaasi oo u dhaxeeya Al-shabaab iyo ciidamada Puntland.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay markii ciidamada Alshabaab ay weerar kala kulmeen ciidamada maamulka Puntland oo maalmahaan howlgalo ka wada deegaanada dhaca xeebaha koofureed ee Puntland.

Lama oga waxyeelada dagaalka, maadaama la sheegay inuu wali socdo, waxaana socdo dagaalo kale oo goosgoos ah oo ka dhaca deegaanada Togga Suuj iyo duleedka Garmaal.

Saraakiisha maamulka Puntland ayaanan wali ka hadlin dagaalka.