Wadanka Soomaaliya oo noqday dalka ugu farxada badan wadamada geeska Afrika

0

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay dalka Soomaaliya uu yahay dadka ugu farxada badan dalalka ku yaal geeska Afrika kadib qiimeyn lagu sameeyay 157 dal.

Warbixintan World Happiness Report 2015 oo goor dhow la soo saaray ayaa dalka Soomaaliya waxa uu kaga jiraa kaalinta 76aad halka dalka Kenya uu ka galay kaalinta 122aad. Inkasta oo Soomaaliya ay kaalinta 76 ka gashay qiimeynta adduunka, haddana dadka Soomaalida waa dadka ugu farxadda badan shacabka dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya, sida lagu sheegay warbixintan oo ay si wada jir ah usoo saareen hay’adda SDSN iyo machadka dhulka ee jaamacadda Columbia University ee dalka Mareykanka.

Sidoo kale Soomaaliya ayaa kaalinta afaraad ka gashay guud ahaan dalalka Afrika, waxaana ka horreeya dalalka Algeria, Mauritius iyo Libya, oo kala galay kaalimaha koowaad, labaad iyo saddexaad.

Cilmi baarisyo ay sameeyeen qubaro heer caalami ah ayaa warbixinta lagu sheegay in shacabka Denmark ay yihiin dadka caalamka ugu farxada badan leh halka warbixinta halka hoose uu ka galay dalka Burundi oo lambarka 157aad.
Qorayaasha warbixinta ayaa ku saleeyay lix arrimo oo muhiim qaabka ay u kala doorteen dalalka caalamka, waxaana ka mid ah arrimahaas daqliga dadka,taageerada bulshada, caafimaadka, xorriyada bulshada,saqaynimada iyo ka maqnaanshaha musuqmaasuqa.

Wadamada reer galbeedka ayaa lambarada sare ka galay warbixintan sidii ay saddexdii sano ee la soo dhaafayba ahayd. Dalka Denmark ayaa dib u soo ceshtay liiska kaalinta 1aad kadib markii sanadkii hore kaalintaas uu dalka Switzerland uu ku guuleystey waxaana dalka Denmark ku xigsaday dalalka Switzerland, Switzerland, Iceland, Norway, Finland, Canada, the Netherlands, New Zealand, Australia iyo Sweden.

Dalka Burundi oo kaalinta ugu dambeysa kaga jira liiska ayaa waxaa ka sii sareeya dalalka Syria, Togo, Afghanistan, Benin, Rwanda, Guinea, Liberia, Tanzania iyo Madagascar.

Wadanka dadkiisu ay caalamka ugu badan yihiin ee Shiinaha ayaa kaalinta 83aad ugaga jira liiska halka dalka Hindiya uu ka yahay kaalinta 118,Maraykankana kaalinta 13aad, Indonesia at No. 79, Brazil No. 17, Pakistan No. 92, Nigeria No. 103, Bangladesh No. 110, Russia No. 56, Japan No. 53 iyo Mexico No. 21.

Dalka Soomaaliya ayaa haatan u muuqda in wadamada caalamka uu la tartamayo iyadoo dhowaan warbixin la soo saaray lagu sheegay magaalada Muqdisho inay kamid tahay magaalooyinka caalamka ee ugu koritaanka badan iyadoo dib u dhis badan uu ka socdo caasimada dalka ee Muqdisho iyo magaalooyin kale oo dalka Soomaaliya ka mid ah.