MAQAAL:BEESHA SADE NATIIJADA HISHIISKOODII WAA BISHAARADA JUBALAND IYO SOOMAALIYA GUUD AHAAN.

0

Waxaa in dhawaydba gogol nabadeed u tiilay magaalada kismanyo ee dawlada jubaland soomaaliya madaxda iyo akhyaarta beesha sade.waxay beeshu kusoo jirtay mudo aad u dheer khilaaf,siyaasiyiinta dhexdooda ah.Tani waxay keentay in halkaa ay kulunto maslaxadii guud ee shacabka sade,inkastoo ay la qabaan beelaha soomaaliyeed ee zamanka maanta khilaaf uun uu kasoo haray,hadana waxaad moodaa in sade ku guul daraystay hada ka hor hogaan midaysan talo iyo toowfiiq.Sade waxa uu inbadan ku dib dhacay dagaalo sokeeye iyo xabad joogta ah tanoo sababtay in lawaayo wilalashii sade ee qaaliga ahaa anficina lahaa dadkooda iyo dalkooda nasiib daro.sade waxa uu ka haray mudo dheer,hormarinta dagaanadiisa,waxbarashada ubadkiisa iyo bulshadiisa,xasilooni iyo nabad.

Maanta ragbaa u kacay sade dhibaato dheer kadib,waxa uu sade garwaaqsaday in uu dib isugu noqdo oo baadi goobo in inta hartay sade la bad baadiyo.in laga shaqeeyo nabada dhexdiisa ah iyo tan beelaha kale ee soomaaliyeed kaga imankartaba.waxa uu sade garwaaqsaday in bulshada lamideeyo,laga baxo kala fikirduwanaanshaha siyaasiyiinta. in sade u istaago qoriga dhig qalinka qaado.in sade jubaland ka shaqeeyo xasilideeda iyo dawlad nimadeeda. in sade ka shaqeeyo soo celinta qarankii soomaaliyeed iyo dawladnimadii soomaali ka burburtay. in sade la shaqeeyo jubaland kana difaaco cidkastoo nabada wax u dhimaysa iyo xasiloonida. in sade dalka iyo diintaba difaaco. in laga shaqeeyo soomaalinimada iyo hanaanka dawladnimada taasoo soomaaliya danteeda ah. sade qoriga uu qaado in uu ahaado qori lagu difaacayo kala danbaynta iyo amaanka jubaland iyo dawlada fadaraalka ah ee soomaaliyeed.

GEN DIINI
General Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini

Sade waxa uu aqoon saday in wax soomaalinimo lagu waayay iyo wada jir aan cidna gaar ugu helaynin faa iido.waxa uuna sade go aansaday in uu dhexdiisa ku heshiiyo nabad iyo is xaqdhawr iyo iskaa shi ah islaam tinimo,soomaalinimo iyo tolnimo intaba ku dhisan. waxa kadib uu diyaar u yahay in uu beelaha soomaaliyeed iyo maamuladaba kula noolaado intaa in la eg.waxa uuna sade doonayaa in soomaali walaaloowdo u soo noqoto xaqiiqda iyo runta jirta ee lama huraanka ah oo ah in aynu difaacano dalkeena iyo diinteenaba. inaynu soo ceshano haybadii iyo kala danbayntii ayuu sade diyaar u yahay soomaalina uugu baaqayaa. sade maanta isagu waa heshiis buuxa waana mid taariikhi ah oo lama ilaawan ah.

Anagoo ah umadii somaaliyeed waxaan aad raali uuga nahay warkaan sugayna mudada ee kusaabsanaa heshiiskaa sade dhexdiisa uga socday jubaland,oo noqday mid nooleh farxad ama ha ahaato jubaland ama ha ahaato soomaali guud ahaanba. maxaa yeelay waa talaabo guul u ah soomaaliya oo dhan waa jibna ay tahay in lagu daydo sade.hadaan bulshada hoos laga soo dhisin oo aan laysu tanaasulin oo aan la heshiin ma noqon karo dawlad. wada jirka ayaan wax ku nahay sidaa daraadeed walaalahay sade waan ku faxsanahay sunadaa ay noo bilaabeen waana u duceeyay sade.waxaana eebe uuga baryayaa in uu nabadooda iyo heshiiskooda ka dhigo mid waara daa in abidkiis.

Waxaan kusoo gunaanadayaa anagoo ah hartiga xalaasha ah si wayn baan idiin garabtaaganahay,siwayn baan ugu riyaaqaynaa oo kal iyo laab ah nabadaa iyo bishaaradaas aad noo keenteen anana aan ku diirsanay.maanta jubaland waxaad ka dhigteen barta soomaaliya uugu nabada badan,soomaaliyana waa barta laga dhisayo oo laysugu keenayo jubaland.inagoo garbaha is haysana ayaan baadi goobaynaa soomaalidan kala maqan.habalyo iyo guul idinka iyo anagaba ah.waaba baryay bilicsan maalin boqran 16.3,2016.heshiiskan taariikhda galay maha mid sade uun uugaaray ee waa mid soomaaliya khuseeya doqonise waa moog nin ragise waa ogyahay.waxaan idiin soo gudbinayaa madaxda sade ee heshiiska gaartay kuligood iyo sayid axmed madoobe duco ah ifka nabad ku noolaada aakhirana janadii fardawsa illaahay haydin geeyo wanagaa aadka taliseen awgiis.amiin amiin.

Yuusuf Cumar
Mashruuc5@hotmail.com