Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Arrimo Xasaasi ah kala hadlay Madaxda Dalka Itoobiya

0

Madaxweynaha Mamulka Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas oo maalmihii udambeeyay ku sugnaa dalka Mareykanka ayaa maanta waxa uu soo gaaray dalka Itoobiya, waxaana uu halkaasi kulamo kula qaatay madax ka tirsan dalka Itoobiya.

Waxaana madaxda dalkaasi uu kala hadlay sidii ururka Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada Puntland ay kaga sugan yihiin.

C/wali Gaas madaxweynaha maamulka Puntland ayaa isla maanta waxaa la filayaa in uu soo gaaro Puntland  maadaama  maalmihii ugu dambeeyey deegaano ka tirsan Puntland ay ku dagaalamayeen ciidanka Puntland iyo Al-shabaab.

Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidmada dowladda Soomaaliya iyo dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya ayaa todobaadkii hore waxa ay qabsadeen deegaano ka tirsan maamulka Puntland.