Hogaamiye Sare oo Caafimaad ahaan loogu qaaday Dalka Dubai

0

Hoggaamiyihii hore ee Milatariga ahaa ee dalka Pakistan, Pervez Musharraf, ayaa gaaray magaalada Dubai, isaga oo halkaasi u tagay xaalad caafimaad, maalmo un kaddib markii laga qaaday xayiraad ka saarneyd dhanka socdaalka oo lagu soo rogey seddex sano ka hor.

Taageerayaashiisa ayaa sheegay in uu qorsheynayo wajahida dacwado dhowr ah, oo ay ka mid yihiin khiyaamo qaran, iyo carqaladeynta dastuurka dalkaasi, xukun deg-deg ahna soo rogay sanadkii 2007-dii.

Laakiin weriyayaasha BBC, ee ku sugan dalkaasi ayaa sheegaya, in dadka naqdiya arrimahan, ay ka walaacsan yihiin dib u soo noqoshadiisa iyo in laga qaaday xayiraadda dhanka socdaalka, oo ah go’aan uu ka noqday Ra’iisul wasaare, Nawaz Sharif, oo mar hore ballan qaaday in lala xisaabtamayo.

Mr Musharraf, ayaa sheegaya eedaha loo heysto in ay yihiin kuwo la siyaasadeeyay.