DHAGEYSO:- Shacabka ku nool deegaan ka tirsan G/Galgaduud oo lagu amray iney isaga guuraan deegaankaasi

0

Shacabka ku nool deegaanka kaxandhaale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa la sheegay in Maanta lagu amray in 24 saacadood gudahood ay isaga guuraan deegaankaasi.

Amarkan ayaa la sheegay in uu ka soo baxay Saraakiisha Sare ee Ciidanka Itoobiya gaar ahaan kuwa ku sugan gobolka Galgaduud.

Dadka lagu amray iney deegaankaasi isaga guuraan ayaa waxay u badan yihiin dad xoolo dhaqato ah oo in muddo ah meeshaasi ku noolaa.

Hoos ka Dhageyso Codka:-