DHAGEYSO:- Madaxweynaha MASAR oo shaaca ka qaaday halka ay ka soo if baxeen Al-Shabaabka ka dagaalamaya Soomaaliya

0

M/weynaha wadanka Masar C/Fitaax Al-Casiisi oo uu waraysay Wargeyska The Ripaplica ee kasoo baxa dalka Tayaaniga ayaa ku eedeeyaywadamada beesha caalamka inay faragalin ku baabi’iyeen wadamo ay Soomaaliya ka mid thy 30 sanno ee lasoo dhaafay.

M/weyne Casiisi oo ka hadlayay dhibaatada ka taagan wadanka Libya ayaa sheegay in Libya ay ku socoto wado bur bur ah sida uu yiri haddii faraglinta shisheeye laga joojin waayo.

In Sodonkii sanno ee lasoo dhaafay ay farin galinta shisheeye bur burisay wadamada Soomaaliya iyo Afghanistan ayuu sheegay m/weynaha Masaarida natiijadda laga dhaxlayna la arkay sida uu yiri.

“Waa in maskaxda lagu hayaa casharada laga bartay Soomaaliya iyo Afghanistan markii faragalin shisheeye lagu bur burshay iyo natiijadda laga dhaxlay meesha ay maanta taagan tahay.” Ayuu yiri M/weynaha Masar C/fitaax Al-Casiisi.

Casiisi waxaa uu qabaa in faragalintaas ay keentay in Soomaaliya uu ka dilaaco ururka hubeysan ee Al-Shabab oo maanta aan xal loo heyn dhibaato badan oo dhanka amaanka ah geysanayo waxaana uu ku macneeyay in Al-Shabab ay yihiin mirihii kasoo baxay faragalinta shisheeye ee Soomaaliya lagu hayo.

Si dalka Libya u bad baado waxaa uu talo ahaan usoo jeediyay in faragalinta laga daayo haddii kale dhibaatada ka dhalata waxaa uu sheegay in xataa Yurub saameyn doonto.

HALKAAN KA DHAGEYSO