WAR DEG DEG:- Mudaaharaadyo looga soo horjeedo Madaxweynihii hore ee Brazil oo ka socda Dalkaasi

0

Madaxweynaha Brazil Dilma Rousseff ayaa u magacawday Madaxweynihii hore ee Brazil Lula da Silva Madaxa shaqaalaha dowladeeda, iyadoo magacaabidan ay ka dhalatay dibad baxyo rabshado wata oo kumanaan ruux ay ka dhigeen magaalooyinka qaar ee Brazil.

Dilma Rousseff ayaa difaacday go’aanka ay ugu magacawday Madaxweynihii ka horeeyay xilka dowladeed, hase ahaatee garsooraha hogaaminaya dacwada musuq maasuq ee loo heysto Lula da Silva ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid la doonayo in xasaanad loogu sameeyo, si aan loo dacweyn.

Madaxweynihii hore ee Brazil ayaa wajahaya eedeymo musuq maasuq, waxaana todobaad ka hor ciidamada booliska ay weerareen gurigiisa, waxaa saacado ku socday su’aalo weydiin.

In ka badan 2,000 ayaa isugu soo baxay banaanka xarunta Madaxtooyada ee Caasimada Brasilia, wax yar kadib markii Madaxweyne Dilma Rouseff ay ku dhawaaqday inay u magacawday xilka Madaxa shaqaalaha.

Sidoo kale dibad baxayaal kale ayaa isugu soo baxay magaalada Sao Paolo, waxaana dadweynaha ay ku qeylinayeen halku dhigyo ka dhan ah dowladda ay hogaamiso Haweeneyda Madaxweynaha ah Dilma Rouseff.

Madaxweynihii hore Lula da Silva ayaa muddo sideed sano soo xukumayay dalkaas, waxaana lagu xusuustaa inuu dalkaas gaarsiiyo horumar dhaqaale aad u ballaaran.