DHAGEYSO:- Xildhibaano, Waxgarad iyo Siyaasiyiin soo dhaweeyay Isbedelka lagu sameeyay Maamulka Degmada Buurhakaba

0

Siyaasiyiin waxgarad iyo xubno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo dhaweeyay isbedel dhowaan lagu sameeyay maamulka degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay nabadoonadan iyo siyaasiyiintaan oo kulan ku yeeshay muqdisho ayaa sheegay maamulka cusub ee loo magacaabay degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay loo baahn yahay in uu la yimaado isbedel lagu hormarinayo degmada sida ay sheegeen.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in maamulka Koonfur Galbeed uu door muhiim ah uu ka qaatay sidii go’doonka looga saari lahaa degmada Buur-Hakaba.

Dhowaan ayay ahayd markii wasaarada arimaha gudaha iyo dowladaha Hoose maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya  ay xil ka qaadis ku sameysay maamulkiidegmada Buur-Hakaba ka jiray iyadoona magacaawday maamul cusub.

HALKAAN KA DHAGEYSO