DHAGEYSO:- Siyaasi sheegay in Dagaalada Puntland ay saameyn weyn ku yeelan doonaan Doorashada 2016

0

Siyaasiga Max’ed Max’uud Nuur ( Caalim )ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda Dalsan ku sheegay in dagaalada kasoo cusbonaaday Degaanada Puntland ee u dhaxeeyay Al shabab iyo Puntland loo baahan yahay in si wada jir ah la iskaga kaashado.

Waxa uu tilmaamay in dhibaatadan ay ka dambeyso iyadoo weli Baarlamaanka Soomaaliya uusan ansixin sharciga la dagaalanka Argagixisada kaas oo uu sheegay in hadii la ansixiyo wax badan ay iska badali doonaan weerarada Al Shabaab.

Al Shabaab ayuu sheegay in ay ka fa’ideysanayaan is qabqabsiga dhinaca qabaa’ilada iyo qilaafka u dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo Puntland ee ku saleysan nooca doorashada 2016 balse waxa uu carabka ku dhiftay in taasi ay dhibaato horle keeni karto.

Ugu dambeyn waxa uu tilmaamay arintan ay saameyn doonto  doorashada 2016 haddii aan si wada jir ah wax looga qaban.

HALKAAN KA DHAGEYSO