DHAGEYSO:- Ra’iisulwasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya oo u Jawaabay Madaxweyne Gaas”Hadii Puntland Baahi u qabto Ciidamada AMISOM waan geyneynaa, Puntland waa qeyb ka mida Dowlada”

0

Ra’isalwasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Max’ed Cumar Carte,ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay diyaar u tahay in Ciidamada AMISOM la geeyo Puntland haddii ay timaado baahi la xiriirta Al-shabaabka ka dagaallamaya Puntland.

Ra’isalwasaare ku xigeenka oo Wareysi siiyay VOA-da Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay diyaar u tahay in Ciidamada AMISOM la geeyo Gobollada Puntland haddii Al-shabaabka ka dagaallamaya halkaasi ay sii xoogeystaan

Waxaa uu sheegay Ra’isalwasaare ku xigeen Carte in Puntland ay ka mid tahay Soomaaliya sidaa darteedna AMISOM la geyn karo haddii loo baahdo.

Al-shabaab iyo Puntland ayaa ku dagaallamaya qeybo ka mid ah Gobolka Nugaal oo ay dhawaan gaareen Ciidamo ka tirsan Al-shabaab.

Puntland ayaa sheegtay in ay guul ka gaartay dagaalka ay kula jirto Al-shabaablka tagay degaannada Garacad,Garmaal,iyo Bandar Bayla.

HALKAAN KA DHAGEYSO