WAR DEG DEG:- Shaqaalihii Hay’adda Bisha Cas ee laga Afduubtay Duleedka Baardheere oo la sii daayay

0

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in la sii daayay Shaqaalo Samafal oo ka tirsan Hay’adda Bisha Cas, kuwaasi oo Shalay laga afduubtay Duleedka Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Shaqaalahan ka tirsan Hay’adda Bisha Cas ee laga qafaashay Degaanka Siidamo, oo qiyaas ahaan 50Km dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Baardheere ayaa dib xoriyadooda u helay kadib markii laga bixiyay Dadkaasi sida la sheegay lacago madax furasho ah.

Odayaasha Dhaqanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in soo deynta Dadkaasi lagu bixiyay lacago inkastoo aan la cayimin lacagaha madaxooda lagu bixiyay.

Wararka hoose oo Idaacadda Shabelle ay heleyso ayaa sheegaya in Al Shabaab ay ku amreyn Madaxa Caafimaadka Hay’adda Bisha Cas iyo ku xigeenkiisa joojinta shaqada ay ka wadaan Gobolka Gedo maadaama Xarakadu ay sheegtay in halkaasi aysan iyagu ka talin.

Sikastaba, weli ma aysan ka hadlin eedeymaha loo jeedinayo Al Shabaab oo ku aadan Afduubka loo geystay Shaqaalaha ka tirsan Hay’addaha gargaarka bixiya ee ka howlgalla Gobolka Gedo.