TOP:- Xildhibaan ku eedeeyay Dowlada Soomaaliya inay dayacday Daryeelka Ciidamada Qalabka Sida

0

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dayacday daryeelka Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin mushaaraad si joogta ah loo siiyo Ciidamadaasi.

Cabdi Barre Yuusuf ayaa waxuu dhinaca kale ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka gaabisay amniga Shacabka ku dhaqan Muqdisho, isagoona tusaale u soo qaatay in Shacabka lagu furo Rasaas xiliyada Wadooyinka marayaan Madaxda Dowladda qaarkood, islamarkaana arintaasi wax laga xumaado ku tilmaamay.

Hadalka Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo xilliyada qaar  Wadooyinka Muqdisho loo xiro Safarrada  Madaxda Dowladda Soomaaliya, islamarkaana shacabka Muqdisho ay arintaasi ku qabaan dhibaatooyin kala duwan.