TOP NEWS:- Bangiga Adduunka iyo Hay’addo Caalami oo ka shaqeynayo xal-u-helista Barakacayaasha (IDP).

0

In ka badan 2 million oo qof oo Somali ah ayaa ku dhex nool guryo macmal ah, Xerooyin Qaxooti amaba aan haysanin  Adeegyadda Asaasia u ah Nolosha Aadanaha.

Saraakiil ka socota Xukuumadda Fdeeralka iyo Saaxiibadda Horumarinta ayaa waxay dhawaan yeesheen Kulan socday muddo 3 malmood, kaasi oo looga hadlayey  Xal-u-helista iyo xaqiijinta Nolosha Barakacayaasha.

Kulankaasi Furan waxaa martigelisay Bangiga Adduunka, waxaana ka soo qeyb galay khubaro ka kala socotay Midowga Europe, Hay’adda Gurmadka Caalamiga (IRC), Bangiga Adduunka iyo Xukuumadda Federalka Somalia, waxayna si khaas ah jawaab u raadiyeen Waxa isbedel ah ee u dhexeeya haatan iyo Shirweynaha Samafalka Caalamka ee la qaban doono bisha May ee sannadkan.

La-taliyaha Gaarka ee Ku-xigeenka Ergayga Khaaska ee QM ee Arrimaha Somalia, Walter Kaelin ayaa ku baaqay in la soo af-jaro Nolosha Barakacayaasha, si loogu tallaabsado Dhismaha Nabadda iyo Dowladnimadda Somalia.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka Somalia, Maxamed Cumar Carte iyo Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Zahra Maxamed Cali Samantar ayaa ka hadlay Shirkaasi, iyagoo soo bandhigay Qorshaha Dowladda ee xilliga dhow iyo xilliga dheer ee wax loogu qabanayo dadka Barakacayaasha ah.