TOP:- Maxay Dowlada Soomaaliya kala socotaa Dhaq dhaqaaqa Isgaarsiinta Dalka ?

0

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Jimcaale Seeseey oo ka mid ah Gudi hoosaadka Boostada iyo Isgaarsiinta Baarlamaanka Soomaaliya oo Warbaahinta la hadlayay ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Soomaaliya in ay dayacday amniga Shirkadaha Isgaarsiinta gaarka ah ee Dalka ka howlgalla.

Xildhibaanka ayaa xusay in Al Shabaab ay hawada ka saraan Isgaarsiinta Shirkadahaasi markii ay qorsheenayaa in ay Weeraro ama Qaraxyo ay fulinayaan, isagoona ku dhaleeceeyay Xukuumadda Soomaaliya wax ka qabad la’aanteeda, sida uu hadalka u yiri.

Xarakada Al Shabaab ayaa waxey hawada ka saaraan adeega isgaarsiinta Inta badan Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Dalka Soomaaliya, iyadoona xusid mudan in Al Shabaab ay hawada ka sareen isgaarsiintii ka jirtay Degaanada xeebta dhaca ee Gobolka Mudug oo dhawaan ay la wareegeen.