TOOS U DHAGEYSO:- Dagaal ka socda Deegaanka Suuj,Isgaarsiinta oo hawada laga saaray iyo Shacabka oo bilaabay inay isaga qaxaan

0

Faah faahinta aan ka helay deegaanka Suuj oo dagaal xooggan uu saaka ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo ALshabaab ayaa sheegay in wali uu dagaalku socdo si rasmi ahna aan loo ogaan karin khasaaraha.

Jaamac Dacar oo kusugan Kabaal ayaa sheegay inay maqlayaan rasaasta ka dhacaysa dagaalka ka socda deegaanka Suuj, oo qiyaasii u jirta 20-KM deegaanka Garmaal, wuxuu sheegay in xaaladu adag tahay, dadkii daganaa tuulada Suuj ayuu sheegay inay ka qaxeen deegaanka,wuxuse xusay inay hadda dagan yihiin dadka xoolaha dhaqatada ah.

Deegaanka Suuja waxaa jaran Isgaarsiinta, waxaana ka socda dagaal,Xaqiiqda dhabta ah lama ogaan karo

HALKAAN KA DHAGEYSO