Kulamo gaar gaar ah oo ka socda Magaalada Garoowe

0

Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa xalay ka dhacay kulamo kala duwan oo loo hadlayay arimaha amaanka iyo xaalada kusoo korortay deegaanada Puntland.

Kulanka koowaad ayaa u dhaxeeyay madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi C/xakiin Cabdulahi  Cameey iyo madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole.

Kulanka labada masuul oo warbaahinta aysan xog badan ka helin ayaa haddana waxaa soo baxaya in looga hadlay xaaladaha amaan ee kusoo kordhay deegaanada gobolada Nugaal iyo Bari.

Kulankaasi waxaa ka horereyay kulan deg deg ahaa oo u dhaxeeyay madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo wasiirada maamulkaasi, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiisha ciidamada qaarkood.

Waxaa soo baxayay warar sheegaya in Puntland ay amartay ciidamada amaanka iney la dagaalamayaan kooxaha la wareegay deegaano ku yaala Nugaal iyo Bari.