DHAGEYSO WAREYSIGA:- Gudoomiyaha Gobalka Nugaal oo si Xasaasi ah kaga hadlay Dagaalka lagu qabsaday Deegaanada Puntland iyo Maamulka Puntland uu si cad u sheegay inay diyaar u yihiin Dagaal

0

Gudoomiyaha gobalka Nugaal Col Cumar Cabdulaahi Faraweyne wuxuu si cad oo aan leex-leexad laheyn u sheegay in ay Puntland bixisey amarka dagaalka, ayna si dhab ah ula dagaalami doonaan kooxahan ugana saari donaan dhulka Puntland ee ay ku soo xadgudbeen.

Col, Faraweyne oo la hadlayay Radio Daljir ayaa sheegay in ay awood buuxda u leeyihiin in ay kooxahan ka sifeeyaan dhulka Puntland, wuxuuna sheegay in ay kusugan yihiin deegaano badan oo xeebta ah, balse ay sida ugu dhaqsaha badan uga saari doonaan kooxahan Hadii Alle Idmo.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in subaxnimadan saaka ah ay jawaab culus bixin doonto Puntland, wuxuuna ugu baaqay dadweynaha deegaanadaas in ay si dhaw ula shaqeeyaan ciidamada nabadgalyadda si kooxahaas looga guuleysto.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA