DHAGEYSO WAREYSI:- Maamulka Jubbaland oo ka warbixiyay dagaalkii ka dhacay degmada Afmadow

0

Maamulka Jubbaland ee gobolada Jubooyinka iyo Gedo ka taliya ayaa ka warbixisay dagaal xooggan oo xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Guddoomiyaha degmada Afmadow Muuse Macallin Aadan ayaa sheegay in dagaalka uu billowday lixdii saac ee xaley isla markaana ay soo qaadeen Al-Shabaab balse khasaaro xooggan ay kala kulmeen.

Guddoomiyaha Afmadow ayaa sidoo kale sheegay in kooxda weerarka soo qaadday ay wateen 18 baabuur oo kuwa dagaal iyo kuwo xamuul isugu jira.

Waxa uu sheegay in ciidamada maamulka Jubbaland ay iska caabiyeen Al-Shabaabka dagaalka soo qaaday oo ay jab xoogan gaarsiiyeen.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-