DHAGEYSO:- Maamulka Galmudug oo Eedeyn kulul u jeedisay UNDP iyo Hay’ado kale

0

Wasiirka wasaaradda Dastuurka iyo dib u heshiisiintaa Maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali Socdaal “Cismaan dheere” oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado ayaa waxaa eedeyn balaaran u jeediyay Hey’addaha deeq bixiyayaasha isaga oo sheegay in hey’adahasi aysan dooneyn in soomaaliya ay cagaheeda isku taago.

Cismaan dheere ayaa sheegay in loo baahan yahay in wasaaradahada xukuumadda iyo kuwa maamul goboleedyadda ay go’aano ka qaataan hey’addaha ka howlgalaya gudaha dalka.

“UNDP iyo International Community waxaan rabaa in aan gaarsiino fariintaa dowladda Soomaaliya ama dowlad goboleedyadda waa in ay cagahooda ku istaagaan”

“Wasaaradaha iyo dowladuhu waa in ay qorsheestaan noloshooda Ma ahan in kaliya la sugo mashruuc, hadii aan dhahno mashruuc ayaan sugeynaa horumar ma gari doono”.

Hadalka Wasiirka Dastuurka iyo dib u dhiska maamulka Galmudug ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa iyada oo abaaro xoogan ay ka jiraan goboladda dalka Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-