XASAASI:- Odayaasha Hiiraan oo si cad u sheegay Kaliya inay la kulmayaan Ra’iisul Wasaare Cumar iyagoo Diiday in Kulan ay la qaataan Wasiir Odowaa

0

Guddoomiyaha Golaha dhaqanka ee Gobolka Hiiraan Nabadoon Dacar Xirsi Nuur oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay  in aysan ku soo dhaweynin Magaalada Baladweyne Was iirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Max’ed Xuseen Odawaa islamarkaana uu wasiirku sameeyay Casho sharaf aysan iyagu ka qeyb galin casuumaadeeda.

Nabadoonka ayaa carabka ku adkeeyay in aysan qorshaha ugu jirin in kulan ay la qaataan Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka isagoo xusay in booqashadii Madaxweynaha uu ku yimid Baladweyne aysan wax kulan ah odayaashooda sidaas daraadeed kulanka Wasiirka aysan waxba ugu fadhin sida uu yiri.

Dhinaca kale Nabadoonka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in Odayaasha dhaqanka Magaalada Baladweyne ay wadatashi ballaaran sameyn doonaan isagoo ku nuux nuuxsaday in aysan aqbali doonin in dowladda federaalka ay ku cadaadiso wax aan rabitaankooda ku jirin.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya  oo ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa waxa ay ku guul dareysteen in wax kulamo ah ay la  qaataan Waxgaradka iyo duubabka Gobolkaasi Hiiraan.