WAR DEG DEG:- Xoogagii la wareegay Deegaanka Garmaal oo sheegtay inay ka tirsan Ururka Daacish

0

Wararka aan hadda ka helayno deegaanka Garmaal oo qiyaastii 80-KM dhanka bari kaga beegan degmada Eyl ee Gobalka Nugaal ayaa sheegaya in dagaal yahandii saaka la wareegay mamulka deegaankaasi ay ku dhawaaqeen inay ka tirsan yihiin ururka Daacish ee ka dagaalama Dalalka Suuriya iyo Ciraaq .

Goob-jooge ku sugan Deegaanka Garmaal oo ka tirsan degmada Dongorayo ayaa sheegay in 180-dagaal yahan oo hubaysan ay maanta ku qadeeyeen banaanka magalada iyagoona saddex qaybood isku kala saaray, waxay la kulmeen odayaasha deegaanka iyagoona ku war galiyay inay u socdaan fidinta diinta balsa aysan wax dhibaato ah dadka iyo deegaanka dhibaatayn doonin.

Marka laga tago amarka kooxdan sheegatay inay Daacish ka tirsan yihiin waxaa jira warar kale oo sheegaya inay qorshaynayaan inay caawa u guureeyaan degmada Eyl ee Gobalka Nugaal, taasoo haddii ay u suurta gasho xaalada deegaanka ay sii adkaan doonto.

Deegaanka Garmaal ayaa ah marsada labaad ee Gobalka Nugaal, kooxdani waxay sidoo kale doonayaan sida warar madax banaan sheegayso inay dhulka xeebaha isku balaariyaan.

Dhanka kale wararka laga helayo deegaanka Garacad ee Degmada Jariiban ayaa tilmaamaya in kooxdii xalay halkaa qab-saday ay dib ugu soo laabteen maanta, waxayna meel u jirta deegaanka 15-KM ku qasheen xoolo ay dadka deegaanka ka kaxaysteen,

Qoysaska ku nool ayaa cabasho xooggan ka muujinaya dhaq-dhaqaaqa dagaal yahanada kooxdan.

Degmada Jariiban waxaa soo gaaray ciidan ay hoggaaminayaan taliye ku xigeenka ciidanka booliska Puntland iyo taliyaha ciidanka Birmadka Gobalka Mudug.

Lama yaqaan ilaa iyo hadda tilaabada ciidan ee ay Puntland qaadayso, balse wasiirka Amniga Cabdi Xirsi Cali oo warbaahinta kula hadlay madaxtooyadda ayaa sheegay inay yihiin kooxda weerarka soo qaaday kuwa ka tirsan Al-Shabab lagana soo abaabulay Koonfurta Soomaaliya, wuxuu sidoo kalehadalkiisa ku cadeeyay inay dowladda dhexe lugta kula jirto arrintan.