TOOS U DHAGEYSO SHIRKA JARAA’ID:- Maamulka Puntland oo sheegay in Dowlada Soomaaliya ay soo abaabushay weerarkii Al-Shabaab kula wareegeen deegaano ka tirsan Puntland

0

Kulan deg deg ah oo ay yeesheen xubnaha golaha Xukuumada ee Puntland uuna shir gudoominayey Madaxweyne kuxigeenka aha Kusimaha Madaxweyne Abdi Hakiim Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa laga soo saaray warsaxaafadeed ku aadan xaaladda guud ee dalka.

Wasiirka Amniga ee Maamulka Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo shir Jaraa’id qabtay ayaa ku dhawaaqey in Maamulka Puntland difaacayso jirinteeda iyo amniga guud ee dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in looga baahan yahay in ay dadweynuhu is dajiyaan, wuxuuna eedeyn u jeediyey Wasiirku dawladda Faderaalka iyo dhinacyo uusan magacaabin oo ku sugan dhinaca Koonfurta ee Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO