Suxufiyiin u dhashay dalka Australia oo laga masaafuriyey dalka Malaysia

0

Hadal ka soo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay inaan wax dacwad ah lagu soo oogi doonin Labada Saxafi ee u shaqeeeya Warbaahinta ABC ee dalka Australia, kuwaasi oo doonayey inay Ra’isul-wasaaraha Malaysia, Najiib Razaak ka wareystaan Eedeymo la xiriira Fadeexad ka dhalatay Musuqmaasaq.

Linton Besser oo ah Weriye ka tirsan Telefishinak ABC iyo Filim-qaade Loways Eroglu ayaa la xaqiijiyey in maanta laga masaafuriyey dalka Malaysia, kadib, markii ay Maxkamadda Sarawak State Court  amartay in la masaafuriyo Suxufiyiintaasi oo aan dacwad lagu soo oogin.

Dhinaca kale, Agaasimaha Telefishinak ABC, Gaven Moris ayaa sheegay inay Suxufiyiinta sii wadi doonaan Baaritaanka ku aadan Sheekadda Fadeexadda ee lagu soo oogay Ra’isul-wasaaraha dalka Malaysia