DHAGEYSO WAREYSI:- Cuduro Halis ah oo ka dilaacay degmada Jalalaqsi

0

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Jalalaqsi Abuukar Maxamed Cali ayaa sheegay in degmada iyo deegaannada kale ee ku xeeran uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka, taasi oo ka dhalatay biyaha Webiga Shabeelle oo wasaqeysan.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Jalalaqsi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in degmada aysan lahayn adeegyo caafimaad, isagoo intaa ku daray inay jiraan tiro dad ah oo u badan carruur uu soo ritay cudurka shuban biyoodka, ayna maamul ahaan gurmad u fidiyeen dadka ku sugan magaalada.

“Cudurka shuban biyoodka ayaa ka dilaacay degmada iyo deegaanada kale ee ku xeeran, ma lahan ceelal fara badan, Webiga oo wasaqoobay ayaa sababtay in cudurka uu soo rito tiro dad ah, Tuulada Inji dad ayaa u dhintay cudurka, waxaana codsaneynaa in kaalmo caafimaad oo deg deg ah lala soo gaaro”ayuu yiri Abuukar Maxamed Cali.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Jalalaqsi Abuukar Maxamed Cali ayaa tilmaamay in xaaladda amniga ee degmada ay tahay mid la isku heleyn karo, isagoo shacabka ka codsaday inay xoojiyaan la shaqeynta laamaha amniga.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA