DHAGEYSO WARBIXIN:- AMISOM oo sheegtay iney u diyaar garoobeyso ka hortaga weeraro Al-shabaab xiliga doorashooyinka ay geystaan

0

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya ahna madaxa AMISOM Francisco Madeira oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay diyaar garowga AMISOM ay ugu jirto doorashooyinka dhamaadka sanadkaan ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay diyaar garow buuxa uga jiraan wax walbaa oo carqaladeyn kara doorashooyinka ka dhaca dalka Soomaaliya.

“Sidaad og tihiin nidaamka siyaasadeed diyaar garowga doorashooyinka waa kuwo socdo, arintaasi ahmiyad weyn ayay Soomaaliya ugu fadhidaa, dabcan Al-shabaab waxay isku dayi doonaan iney carqaladeeyaan doorashada, laakiin arintaasi waan ka feejiganahay waana ka hortageynaa, waana qaban doonaa doorashooyinka”

“Amisom waxay si dhow ula shaqeyneysaa dowlada Soomaaliya iyo saaxiibada kale  si loo taageero hanaankaasi, waana sii wadi doonaa inaan la shaqeyno ciidamada qaranka Soomaaliya si loo xaqiijiyo amaanka ayna suura gal u noqoto in doorashada ay dhacdo”ayuu yiri Mr Madeira.

Dhinaca kale wakiilka Midowga Africa Soomaaliya ayaa ka hadlay deegaanadii ugu dambeeyay ee laga saaray Alshabaab eek u yaala gobolka Shabeelaha Dhexe, wuxuuna sheegay in ciidamada AMISOM ay sii wadi doonaan sidii Alshabaab looga saari lahaa deegaanada Shabeelaha Dhexe.

“Inaga oo wadajir la ah ciidamada qaranka Soomaaliya waxaan gaarnay natiijo wanaagsan maalmihii ugu dambeeyay, intaan ku jirnay howlgalkeena military, oo qeybta shanaad ay ka sameeyeen Shabeelaha Dhexe, magaalooyin badan ayaa la xureeyay, waana sii wadai doonaa, waxaa kamid ah Ceel baraf iyo biyo cadde”ayuu yiri Madeira.

Deegaanada Al-shabaab ee laga saaray eek u yaala Shabeelaha DHexe ayaa waxaa kamid ah deegaanka Ceel,-Baraf,  Biyo cadde iyo deegaano kale oo horay Alshabaab ay ugu sugnaayeen.

HALKAAN KA DHAGEYSO WARBIXIN