DHAGEYSO:- Kulan loogu hadlaayay in Sharci mideysan loo helo Canshuuraha Dalka oo Muqdisho lagu qabtay

0

Kulankaan loogu hadlaayay Sidii loo heli lahaa Sharci iyo Siyaasad mideysan oo lagu maamulo Canshuuraha Dalka.

Kulanka Waxaa soo qaban qaabiyay Dallada Jilayaasha aan dowliga ahayn ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya SOSCENSA, waxaana kulanka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana goob joog ka ahaa Madaxda Sare ee Dallada SOSCENSA.

Gudoomiyaha Dallada SOSCENSA C/llaahi Maxamed Shirwac oo furitaanka kulan ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in sharci laga dhigo Canshuuraha oo si mideysan loo qaado.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Xildhibaan Cabdi Xaashi Xaashi C/llaahi oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, waxa uuna sheegay in qodobada ka soo baxa kulanka ay horgeynayaan Baarlamaanka.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdi Xaashi ayaa madaxda Dallada SOSCENSA ku bogaadiyay iney sii laba jibaaran kulamada noocaan ah.

Dadkii ka qeyb galay kulanka ayaa dhamaantood waxay isku raaceyn in meel loogu soo wada jeesto hagaajinta qaabka hada loo qaado Canshuurta.

Sidoo kale intii uu kulanka socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxyaabaha hor taagan in la helo Siyaasad mideysan oo lagu maamulo Canshuuraha Dalka.

Liibaan Bille Xiireey oo Xubin ka ah Dallada SOSCENSA ayaa gabagabada kulanka Warbaahinta u aqriyay qodobadii ka soo baxay kulanka Maanta ay sooo qaban qaabiyeen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-