DHAGEYSO:- Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo isku raacay in Wada hadal lala galo Ahlu Sunna

0

Mahad Cali Cibaar oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Baarlamaanka Maamulka Galmudug ay isla garteen in la dadajiyo wada hadalada Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Waxa uu sheegay in Baarlamaanka Maamulka Galmudug ay ku dadaalayaan sidii ay ugu dhabeyn lahaayeen sidii ay u wada hadli lahaayeen labada maamul.

Xildhibaan Mahad Cali Cibaar ayaa Maamulka Ahlu Sunna ugu baaqay in ay ogolaadaan in la wada hadlo si loo dhameeyo kala aragti duwanaasha kala dhaxeeya Maamulka Galmudug.

Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Masuuliyiinta Maamulka Galmudug ayaa ku howlan sidii Maamulka Ahlu Sunna loogu dhaadhicin lahaa iney ogolaadaan wada hadal ay la galaan Maamulka Galmudug.

Hoos ka Dhageyso Codka:-