Al-Shabaab oo afduubtay Dad Rayid ah iyo Xaalada Deegaanada Garmaal & Kulub oo kacsan

0

Allgalgaduud Media ayaa ku howlan wali raadinta wararkii ugu dambeeyey oo ku saabsan meelaha ay kooxahan soo gaarayaan iyo dadweynaha waxyaabaha ay weydiisanayaan.

Labo qof oo ku kala sugan Garmaal & Kulub oo kala ah gobalada Mudug & Barri ayaa sheegay in ay dadka ka afduubten labada deegaanba, gaar ahaana deegaanka Kulub oo la sheegay in ay ka soo kaxeysteen dad ay dabcan u kaxeysteen in ay deegaanka tusaan.

Sidaas oo kale dadka deegaanka waxa ay weydiisteen in ay gaadiidka dheeraya ka gadaan, laakiin dadka deegaanka ayaa ugu jawaab celiyey in aysan haysan gaadiidkaas aana lagu iibin deegaankan

Warar hordhac ah oo laga helay dhinaca Sirdoonka ayaa sheegaya in ay tiro ahaan ciidamadan ka badneyn 800 dagaalyahan, ayna joogaan dhul aad u kala durugsan, Godobjiraan ilaa Kulub, Garmaal iyo Qanda ku dhawaadkeeda, waana dhul masaafo ahaan kala fog.