Midowga Yurub oo ku dhawaaqay mashruucyo cusub oo Soomaaliya ka fulinaayo

0

Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Isniin ah ka dhacay munaasabad lagu soo bandhigayay mushruuc cusub oo Midowga Yurub uu siinaayo Soomaaliya.

Mashuurcan cusub oo ka kooban sagaal ayaa waxaa la sheegay in qiimiisa uu ku kacaabo €8 million, siddaas waxaa sheegay ergayga gaarka ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya.

Mashruucyada lacagta wax loogu qabanaayo waxaa ka mid ah taageerada adeegyada bulshaddam, dhisidda nabada iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Wasiirka Wasaarada qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Ceynte oo dhinaca Soomaaliya u saxiixay heshiiskan ayaa sheegay in mushruucan cusub uu dabooli doono baahiyaal ka jira Soomaaliya.